Suudaan Oo Xaalad Amni Loogu Dhawaaqey.

0
67

Labada gole ee hoggaamiya dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqay in ay dhisayaan hay’ad ka shaqeysa ammaanka, taas oo hoos tagaysa wasaaradda arrimaha gudaha dalkaas.

Tallaabada ayaa timi kaddib isku daygii dil ee todobaadkan lagu qaaday Ra’iisul wasaaraha dalkaas, Cabdalla Xamduuk.

War saxaafadeed ka soo baxay golayaasha haya talada dalka Suudaan ayaa lagu sheegay in ay muhim tahay dib u qaabayn dhab ah oo lagu sameeyo ammaanka qaranka Suudaan lagana difaaco wax walba oo wax u dhimaya.

Golayaasha ayaa hoosta ka xarriiqay in ay waajib tahay sugidda ammaanka masuuliyiinta dalka hoggaamisa iyo xasillooni buuxda oo dalka ka hirgasha inta lagu jiro marxaladda kumeel-gaarka ah.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in lagu raad joogo kooxaha argagixisada si loo mariyo caddaaladda, sidoo kalena si aad ah loo adkeyn doono meelaha dalka laga soo galo; isla markaana laga feejignaan doono in ay soo noqnoqoto dhacdadii Isniintii oo kale.

Weerarkii subixii Isniinta lagu qaaday gawaari galbinaysay ra’isul wasaare Xamduuk bartamaha magaalada Khartoum, ayaa dhaliyay hadal hayn aad u badan oo lagu dhaliilayay in ay jirto habacsanaan dhanka amniga ah.

Suudaan ayaa haatan ku jirta xilli kumeel gaar oo soo bilowday 21-kii Ogoosto ee sanadkii tagay, waxaana xigi doona doorashooyin ay ku awood qeybsan doonaan dhinacyada siyaasadda ee dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here