Dowlada Somalia Oo Dekadda Muqdisho Ka billawdey baaritaanno la xiriira Feyraska Korona.

0
122

Dowladda Soomaaliya ayaa Dekadda weyn ee Muqdisho ka billowday baaritaan ku aaddan feyraska dilaaga ah ee Korna oo dunida fara ba’an ku haya.

Wasaaradda Dekadaha, wasaaradda Caafimaadka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo kan Dekadda Muqdisho ayaa howshan baarista ah ka wada billaabay dekadda Muqdisho.

Baaritaankan ayaa lagu sameynayaa dadka la socda maraakiibta iyo doomaha ku soo xirta Dekadda si looga hortago feyrska Korona.

Howlwadeeno loogu talagay in shaqada baaritaanka ay sameyaan ayaa lageeyay Dekadda si ay u fuliyaan shaqada baarista ah.

Dowladdu waxa ay dhawaan sheegtay in ay diyaarisay howlwadeeno ka shaqeynaya baarista dadka soo gala dalka, si loo dhowro badqabka caafimaadka bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxa ay hadda heysaa muwaadin Soomaaliyeed oo ka yimid dalka Shiinaha oo ah bilawga Caabuqa COVID19 (Korona) kasoo ifbaxay, inkasta oo aan la xaqiijin in uu xanuunka ku dhacay qofkaan la qabtay, balse waxa ay sheegtay in weli lagu hayo qeybta la geeyo dadka looga shakiyo caabuqa.

Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka ayaa ugu baaqday hay’adaha ay quseyso socodalka in ay tallaabo ka qaadaan shirkadii  jebisa shuruucda iyo awaamiirta wasaaradda ee xagga duulimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here