Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo bogaadisay bandhigyada ganacsiga dalka

0
101

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya,Cabdullaahi Cali Xasan ayaa sheegay bandhigyada ganacsi ee waayihii dambe ku soo badanayay dalka ay tilmaan u yihiin horumarka dhaqaale ee uu dalku ku sii tallabsanyo.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay qorsheyneyso in ay qabato bandhig ay ku mideysanyihiin dhammaan ganacsatada dalka oo idil.

Wasiirka ayaa bogaadiyay sida ganacsatada Soomaaliyeed ay ugu dhabar adeygeen sidii ay kaalintooda uga geysan lahaayeen dib u dhiska dalka iyo koboca dhaqaalaha intuba.

Ganacsatada iyo maalgashadayaasha ayuu wasiirku ugu baaqay in ay ka fikiraan sidii sidii dalka gudihiisa ay uga hirgelin lahaayeen wax soo saar ganacsi oo aan dibadda laga soo dhoofin si ay u suuragasho in ay shaqo abuur ka helaan dadka Soomaaliyeed.

Kaddib burburkii ka dhacay Soomaaliya 1991-kii ganacsatada Soomaaliyeed ayaa kaalin wanaagsan ku lahaa nolosha dadka Soomaaliyeed oo marxalado aad u adag soo martay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here