Shirkadda Twitter oo shaqaalaheeda ku wargelisay in guryaha ay ka soo shaqeeyaan cabsi laga qabo karona feyras.

0
141

Twitter ayaa shaqaalaheeda ku wargelisay in ay ku shaqeeyaan guryahooda si looga hortago faafitaanka feyraska Karona oo dunida saameyn xooggan ku yeeshay.

Qoraal ay soo dhigtay boggeeda ayey shirkaddu ku shegtay in shaqaalaheeda ku sugan Hong Kong, Japan iyo Kuuriyada koonfureed ay qasab ku tahay in shaqada ay ka soo galaan guryahooda.

Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in dhammaan shaqaalaheeda daafaha dunida kala joogay ay ku dhiirragelineyso in aysan soo xaadirin xafiisyada oo ay guryahooda ku dhex shaqeeyaan.

Tani ayaa timid maalin uun kaddib markii ay shirkaddu ku dhawaaqday in ay joojisay dhammaan safarrada aan muhiimka aheyn oo ay sameynayaan shaqaalaheeda.

“Hadafka aan ka leenahay tani ayaa ah in aan xadeyno ama aan hoos u dhigno faafitaanka iyo khatarta Covid-19 “Karona Feyras” dhammaan daafaha dunida iyo shaqaalaheena” sidaas waxaa yiri madaxa shaqada iyo shaqaalaha ee Twitter Jennifer Christie.

Tan iyo bishii December ee 2019 inta badan dalalka caalamka ayaa waxaa saameyn ku yeeshay khatarta sii kordheysa ee uu geysanayo feyraska Karona, kaas oo markii ugu horreysay lagu arkay magaalo ku taalla Shiinaha oo layiraahdo Wuhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here