Qulqulka Muhaajiriinta ka tallaabaya soohdinta u dhexeysa Turkiga iyo Giriigga oo sare u sii kacaya

0
123

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa sheegtay in muhaajiriin ay tiradoodu ka badan tahay 130.000 ay ka dhaqaaqeen dalka Turkiga kuwaa oo afka saaray dhanka dalka Giriigga.

Qulqulka muhaajiriinta ayaa bilowday kaddib markii Khamiistii la soo dhaafay xukuumadda Ankara ay shaacisay in aanay is hor taageynin muhaajiriinta doonaya in ay u tallaabaan qaaradda Yurub.

Bilowgii todobaadkan madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Ordogan ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu albaabada u furayo qaxootiga doonaya in ay galaan qaaradda Yurub isaga oo hoosta ka xarriiqay in Turkigu aanu taag iyo tabar toona u heynin in ay sii hayaan muhaajiriinta.

Turkiga ayaa sheegay in xukuumadda Ankara ay magangelyo ku meel gaar ah siin doonto suuriyaanka iyada oo intaa sii raacisay in aanay is hor taageynin kuwa doonaya in ay Yurub u gudbaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here