Kenya oo duqeyn la beegsatey Xarun ay leedahay Shirkadda Hormuud

0
104

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaarad ay leedahay Dowladda Kenya ay xalay duqeyn dhinaca cirka ah la beegsatay Xarun Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ku leedahay duleedka degmada Ceelwaaq ee Gobolkaasi Gedo.

Xarunta la duqeeyey ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen inay ku taallo Deegaanka Xiisa Guur Oo 20-KM U Jira Degmada Ceelwaaq Ee Gobolka Gedo,waxaana jira khasaaro duqeyntaas kasoo gaarey Xarunta Shirkadda.

Xasan Aadan Biixi oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda ee degmada Ceelwaaq ku sugan ayaa sheegay in Diyaarad laga leeyahay Kenya ay 11 Gantaal ku garaacdey Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Xiisa Guur iyo Xaafadaha ku dhow dhow.

Waxaa uu sheegay sarkaalka,isaga oo la hadlayay Idaacadda Voa-da laanteeda Afka Soomaaliga in uu jiro khasaaro kala duwan ,hayeeshee ay weli baaritaano ku hayaan,isaga oo ku eedeeyey in Dowladda Kenya ay ku xad gudubtay dhulka Soomaaliya jawaabna ay siin doonaan.

Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya weli kama hadlin duqeynta diyaarad ay leedahay Kenya u geysatay Xarun ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ku taalla duleedka degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here