Wasiir Beyle Oo Kulan La Qaatay Agaasimaha Fulinta IMF.

0
153

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxaa uu kulan la qaatay Agaasimaha Fulinta Hey’adda lacagta aduunka IMF.

Wasiir C/raxmaan Beyle oo War qoraal ah bartiisa Facebook uu kusoo qoray ayaa waxaa uu ku sheegay in kulan muhiim ah la qaatay Agaasimaha guud ee Hay’adda Lacagta Aduunka Kristalina Georgieva, iyagoona ka wada hadlay Arrimo kala duwan.

“Waxaan uga mahadceliyay hogaaminteeda wanaagsan iyo dadalkii ay Hay’adda Lacagta Aduunku ka soo qaadatay dib-u-habeynta Maaliyaddeena iyo hannaanka deyn cafinta Soomaaliya” ayuu yiri C/raxmaan Beyle.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaas kusii daray “Dhamaan caalamka iyo IMF waxaan u xaqiijinayaa in Dowladdeena ay ka go’antahay tilaabo kasta oo lagu hormarinayo dhaqaalaha Soomaaliya iyo isbadalka Maaliyadda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here