Sheekh Shaakir Oo Dowladda Somalia Ku Wareejiyay Hubkii Iyo Ciidankiisa.

0
108

Sheekh Maxamed Shaakir oo kamid ah Madaxda sare ee Ahlusunna Waljamaaca oo saakay isku dhiibay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in Mas’uuliyada amnigooda iyo tan Magaalada Dhuusamareeb uu ku wareejiyay Ciidanka dowladda.

Sheekh Shaakir oo warbaahinta kula hadlay gudaha Xarunta Inji ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga ee Generaal Masuud Maxamed Warsame iyo Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad ay ku wareejiyeen hubkii iyo Ciidankii ay heysteen.

Generaal Masuud Maxamed Warsame ayaa waxaa uu Sheekh Shaakir uga mahadceliyay mas’uuliyada uu ku wareejiyay, isla markaana waxaa uu tilmaamay in Ahlusunna ay qaadeen tallaabo muhiim ah.

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay la wareegay Xarunta Inji oo ay deganaayeen hogaanka sare ee Ahlusunna, waxaana Ciidankii halkaas ku sugnaa ay isku dhiibeen Ciidanka dowladda.

Sidoo kale Sheekh Maxamed Shaakir iyo Macalin Maxamuud ayaa isku dhiibay Ciidanka dowladda, waxaana Mas’uuliyada amnigooda la wareegay Taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka ee Galmudug.

Dagaal xoogan ayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug  ku dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlusunna, kaasi oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay dagaalkaas Khasaaro isugu jira dhimasho iyom dhaawac oo soo kala gaaray Ciidankii Ahlusunna iyo kuwa dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here