Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Shabeellaha hoose.

0
170

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya howlgalka Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee AFRICOM aya saacadihii la soo dhaafay waxa ay duqeyn ka fuliyeen deegaanka Kuunya-barrow ee gobolka Shabeellaha hoose.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntan diyaaradeed lala beegsaday xubno ka tirsan al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka Kuunya-barroow ee Shabeellaha hoose.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa xustay in duqeyntani oo ay fuliyeen diyaaradaha aan laheyn duuliyaha islamarkaana lagu dilay laba xubnood oo ka tirsan al-shabaab.

Weerarkaas ayey dowladda Soomaaliya sheegtay in aysan wax khasaare ah uusan u geysan dadka rayidka ah ee ka ag dhowaa goobta.

AFRICOM iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sii xoojiyay weerarrada dhanka cirka ah oo ay la beegsanayaan al-shabaabka ku sugan koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here