Maamulka G/Banaadir oo sheegay in wadooyinka xiran furayaan

0
108

Shirka Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay xarunta Dhalinyarada Gobolka Banaadir shirkaasayaa waxaa shir Gudoominayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Casimadda Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish),waxaana looga hadlay ololaha canshuur ururinta Furitaanka wadooyinka muhiimka ah si ay shacabka ugu fududaato adeegyadooda.

Sidoo kale waxaa looga hadlay Dardar galinta Nadaafadda Magaalada iyo Amniga,iyada oo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daradaaran iyo amaro kala duwan uu dul-dhigay Gudoomiyeyayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo shirka faah faahinayay ayaa sheegay in guddoomiyeyaaha Gobolka Banaadir la faray inay furaan wadooyinka ku xirmay dhismooyinka Sharci darrada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here