DHAGEYSO: WASIIRO CUSUB OO KATIRSAN KG OO BAYDHABO LAGU DHAARIYAY.

0
72

Shirka goalaha wasiirada dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya oo manta shir gudoominaayay madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) oo ay kazoo qeyb galeen wasiirada, ku xigeenada iyo wasiir dowlaiyaasha ayaa waxaa lagu dhaaliyay wasiiradii dhawaan uu soo magacaabay madaxweynaha Kg si ay u guda galaan howlahooda shaqo ee u hayaan shacabka koonfur galbeed.

Wasiirada dhaaliyay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka  wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee koonfur galbeed
Mudane Mahamed Yuusuf Hasan, Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Cumar Cabdulkadar iyo wasiir kuxigeenka wasaarada waxbarashada.

Wasiiradaan shaqada ku cusub ayaa waxaa dhaariyay gudoomiyaha maxkamada sare ee dowlad goboleedka koonfur galbeed Dr. Axmed Muuse.

Halka hoose ka dhageyso codka W/Q/ Wariye Siid Cali Muuse Ateera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here