Baarlamanka Tuniisiya oo codka kalsoonida siiyay xukuumadda ra’iisul wasaare al-Fakhfakh

0
112

Baarlamanka dalka Tuniisiya ayaa codka kalsoonida siiyay xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Ilyaas Al-fakhfaakh kaddib khilaafaad siyaasadeed oo muddooyinkii u dambeeyay hareeyay dalkaas.

Xukuumadda Ra’iisul wasaare Fakhfaakh oo heshay 129 cod ayaa baarlamanka uga mahadceliyay codka aqlabiyadda leh ee ay ku ansixiyeen golihiisa ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay damaanad qaadeyso ka qeybgalka siyaasadeed ee kooxaha kala duwan ee siyaasadda dalka iyo dib u heshiisinta shacabka Tuniisiya.

Baarlamaanka ayuu ka codsaday in aanay ugu simin kalsooni siin oo kaliya balse ay kula shaqeeyaan hufnaan iyo cadcaddaan isaga oo intaa ku daray in uu soo dhaweynayo mucaraado walba oo wax dhiseysa.

Bishii la soo dhaafay ayay ahayd markii madaxweynaha Tuniisiya Qeys Saciid oo ra’iisul wasaare u magacaabay al-Fakhfaakh kuna amray in uu soo dhiso xukuumad midnimo qaran.

Fakhfaakh ayaa horay u sheegay u uu mudnaanta kowaad siin doonto yareynta sicir bararka, falal dambiyeedyada iyo la dagaallanka musuqa oo ah tallaabooyin muhim u ah in Tuniisiya ay qaaddo dhabbo sax ah.

Sidoo kale waxa uu ballanqaaday in xukuumaddisu ay isbadal weyn ku samayn doonto hagaajinta adeegyada ay bixiyaan hay’adaha dowladda sida tacliinta iyo caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here