Sawirro:-Dowladda Federaalka Oo Gaadiid Ku Wareejisay Jubbaland

0
156

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee XFS,ayaa labo baabur oo loogu tala galay Kormeerada Dugsiyada iyo ka qeyb qaadashada Horumarinta waxbarashada ku wareejisay wasaaradda waxabarashada jubbaland baabuurtan ayaa waxa ay qeyb ka ahaayeen 11 baabuur oo ay ku deeqay mashruuca “Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada” (Global Partnership for Education).

Agaasimaha xiriirka Gobalada iyo Hay’adaha Ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Abdinur Ahmed Jamac ayaa ku wareejiyay Wasaaradda Waxbarshada jubbaland Baabuurta waxana ka gudoomay Wasiir ku xigeenka ahna ku simaha Wasiirka Waxabarshadda Jubbalanad Ahmed Ab.

Agaasimaha xiriirka Gobalada iyo Hay’adaha Ee Wasaaradda Waxbarashada Abdinur sheegay in Baabuurtaan ahmiyad ay u leedahay Horumarinta waxbarashada dalka islamarkan waxa ay qeyb muhiim ah ka qaadan daba-galka iyo kormeerka waxbarshada.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada maamulka Jubaland Axmed Cabdirisaaq Maxamed ayaa bogaadiyay mashruuca GPE iyo sida bahda waxbarshda ay mar walba Garab taagan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here