Sadex Ruux Oo Lagu Eedeeyay Burcadnimo oo Muqdisho lagu xukumay.

0
155

Saddex dhallinyaro ah oo loo heystay falal burcadnimo ah ayey Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay ku ridday xukunno kala duwan.

Maxamed Cabdulqaadir Maxamed, Cabdikaafi Cabdi Jaamac iyo Cabdirisaq Maxamed Abshir ayaa lagu soo eedeeyay in an ay xaafadaha Muqdisho ay ka geysan jireen fal dhac ah iyagoo adeegsanaya Bastoolado isticmaalayana Bajaaj.

23-kii Agoosto 2019 ayey weerar furasho ah ku qaadeen mid kamid ciidamada Dowladda oo ay doonayeen in ay u geystaan fal dhac iyo baaarasho, balse uma aysan suuroobin kaddib markii uu iska caabbin sameeyay, wixii markaas ka dambeyay Hay’adaha ammaanka ayaa daba-gal ku sameeyay waxaana u suurogashay bishii Sabtemebar ee 2019 gacanta lagu soo dhigo saddexda eedeysane.

Hay’adaha dambi-baarista ayaa baaritaan dheer kaddib waxa ay ku soo wareejiyeen kiiska raggan xafiiska xeer ilaalinta, hubin iyo dood ay yeesheen garsoorayaasha maxkamadda ugu dambeyn waxa ay go’aansadeen in Maxamed Cabduqaadir Maxamed dib loo siiyo xorriyaddiisa madaama lagu waayey wax caddeymo ah, sidoo kale Cabdikaafi cabdi Jaamac ayey maxkamaddu ku xukuntay 8 sano oo xabsi ciidan ah, halka Cabdirisaaq Maxamed Abshir lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan ah .

Maxakamadda yaa sheegtay in raggan la xukumay ay heystaan muddo 30 maalmood ah oo ay racfaan uga qaadan karan xukunka lagu riday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here