Wasiiro Maamulka KG Oo Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey.

0
142

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xilka qaadis ku sameeyay  Wasiiro ka tirsan maamulkiisa, isagoo magacaabay kuwo kale.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa xilalkii laga qaaday Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed, Cabdiramaan Cismaan Malaaq, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Feysal Cabdullaahi Cali iyo Jabriil Maxamuud Aadan Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada Jabriil Maxamuud Aadan.

Sidoo kale Madaxweyne Lafta-gareen ayaa xilka Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed u magacaabay Maxamed Yuusuf Xasan, Cabduqaadir Cumar Cabdullaahi Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha iyo C/fitaax Isaaq Maxamed Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada.

Wareegtada xilka qaadis iyo Magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Koonfur  Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa Warbaahinta u Akhriyay Afhayeenka Madaxtooyadda Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here