Dhageyso: Munaasabada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Oo Baydhabo Lagu Xusay.

0
105

Wasiirka  ku xigeen wasaarda cadaalad iyo garsoorka k.galbeed mudane cabduhaab cabdulahi ayaa maanta ka qeeb galay munaasabada ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxa uuna si gooni ah ugu xilsaaran yahay Ilaalinta Maxaabiixsta iyo Xabsiyada Dalka, waxaana la aas-aasay 22-kii Febraayo sanadkii 1970-kii, iyadoo tan iyo xilligaasi uu si hufan u gutay waajibaadkiisa marka laga reebo inta uu dalka ku jiray bur-burkii.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada cadaaada iyo garsoorka mudane Cabdihaab Cabdulahi iyo agaasimaha wasaarada mudana Maxamed deeq oo u hambalyeey Ciidanka Asluubta iyo qoysaskooda Waxayna  sheegay in ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ay shaqadoodu tahay toosin, barbaarin, anshixin, wacyi gelin, dib-u-caawin dad Soomaaliyeed oo si ay noloshu uga qaldantahy, kuna soo celiyaan bulshada si ay uga qayb qaataan dib-u-dhiska iyo dib-u-yagleelidda qarannimada Soomaaliyeed. Sido kale Gudoomiyaha maxkamada sare k.galbeed Dr ahmed cali muuse Aayaa hambalyo u diray sanad guurada 50-aad ee Aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, kuna amaanay Shaqada wanaagsan ay u haayaan umadda Soomaaliyeed iyo dowlad gobaleedka k.galbeed
Taliyaha Ciidanka Asluubta konfar galbe ayaa wax ay ku soo dhaweeyey dhamaan marti sharafta ka qeeyb gashay munasabadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here