Sawiro: Ururka Samafalka ah ee Walaalaha mishurtyarlaathy Oo Garab istaag Muhiim ah Umuujiyey Qoysas Danyer ah Oo Kunool Magaalada Baydhowa.

0
139

Ururka Mishurty Arlaathy Oo ay Kumideysan Yihiin Gabdho Soomaaliyeed ayaa Shaqo Abuur Usameeyey Qoysas Danyer ah Oo Kunool Magaalda Baydhowa
Sedax Hooyo Soomaaliyeed Oo Danyer ah islamarkaana Qaarkood Heysta Caruur Agoon ah ayey u Abuureen Ganacsi Yer Yer ah Oo Nolasha Qoyska Kumaareeyaan, Waxay Usameeyeen Miisas iyo Dabakaayooyin Ay Kushaqeystaan Oo ay Ugu bilaabeen Badeecado Kaladuwan oo ay Kuganacsadaan,Hooyooyinka Shaqo Abuurkan Loo sameeyey ayaa si aad ugu faraxsan garab istaagi ay usameeyeen Gabdhaha Mishurty Arlaathy Mahad Naq Balaaran iyo Duco ayeyna Ugu abaalgudeen.
Mid Kamid ah Hooyooyinka Loo Furey Ganacsigan ayaa Sheegtey in 7 Caruur ah ay Heysato Oo Aabe na Uu Geeriyoodey Nolasha Qoyskana ay kumaareyso Magaalada Gaar ahaan Xaafadaha Oo ay Dhar Kusoo Dhaqdo Kadib Wax Yaraa Shaah ah Lasoo siiyo 😭 Barnaamijkan Shaqo Abuurka ah ee Loo Sameeyo Hooyooyinka iyo Qoysaska Danyerta ah ayaa ah Hal Abuur Muhiim ah Waxaana Gabdhahan ay Sheegen in Arintan ay bilaabeen Kadib Markii ay Arkeen in Muhiim ay Utahay Xal Waara oo Ay Nolashooda Kumaareyn Karaan islamarkaana ay Kuganacsan Karaan Danyerta, Way Mahadsan Yihiin Gabdhaha Walaala #MisHurtyArlaathy.
W/Q @Musharaf Abdi Nasir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here