Dhageyso: `Agaasime Maxamed Cumar” Waa In Lahormariyaa Xoola Dhaqatada Soomaaliyeed.

0
52

Maxamed Cumar Nuur agaasimaha guud ee wasaarada xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa dowlada faderaalka soomaaliya oo u waramaayay warbaahinta KG ayaa waxaa uu kahadlay shir labo maalin magaalada baydhabo ay ku yesheen wasaarada xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa DF iyo kuwa dowlad goboleedyada kaasi oo laaga hadlaayay xormarinta xoolaha iyo sidii wada shaqeyn wanaagsan u yeelan lahayeen Wasaarada iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Sidoo kale agaasime Maxamed Cumar ayaa waxaa uu kahadlay shirkaan muhiimada ay u leeyihiin xoola dhaqatada soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in xooga lasaari doono daaqa, biyaha iyo arimaha ku saabsan suuq geynta.

Dhanka muhiimada shirkaani ayaa agaasimaha guud ee wasaarada xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa dowlada faderaalka soomaaliya Maxamed Cumar wuxuu ku sheegay in lagu taageeri doono dadka xoola dhaqatada ah ee aan heysan xoolo badan sidii ay ku heli lahayeen kuwa kale ee ay ku kabtaan xoola hooda.

Halka hoose ka dhageyso codka Agaasimaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here