Dhageyso: Gudoomiyaha Naafada KG Oo Sheegay In ay Xaq u leeyihiin kashaqeynta Xafiisyada Dowlada.

0
96

Mukhtaar Cali Isxaaq waa gudoomiyaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee koonfur galbeed waxay kamid yihiin dadka sida gaar ah ee loogu casuumay shirka olalaha wacyi galinta bulshada arimaha dib u eegista dastuurka.

Sadaxdii maalmood ee shirkaani ka socoday magalada baydhabo ayaa gudoomiye Mukhtaar waxaa uu sheegay in ay ka dhiibteen fikirado, aragtiyo iyo wax yaabaha ay ubaahan yihiin in lagu soo kordhiyo qodobo si toos ah ugu hadlaayo xaquuqda ay leeyihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Gudoomiyaha  dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee koonfur galbeed Mukhtaar Cali Isxaaq ayaa sheegay in ay qeyb kayihiin bulshada kale xaquuqna ay u leeyihiin in ay kamid noqdaan qeybaha dowlada ay ka kooban tahay sida baarlamaanka, wasiirada iyo in ay ka shaqeyaan xafiisyada dowlada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here