Kenya oo kuubba ka hor istaagtay in ay madax furasho ka bixiso laba dhakhtar oo afduub looga heysto

0
123

Dowladda Kenya ayaa ka hor timid hindise xukuumadda Kuuba ay ku doonayso in ay al-Shabaab ku siiso lacag madax furasho ah oo ay ku badbaadinayso laba dhakhtar oo u dhashay dalkeeda oo u afduuban kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda Kuubba ay doonayso in kooxda al-Shabaab ay kala xaajooto sii deynta labada dhakhtar ee u afduuban kooxda taas badalkeedana ay bixiso lacago madax furasho ah.

Arrintan ayaa la sheegayaa in wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ay ka hor timid kuna Talisay in labadaaasi qof lagu soo badbaadiyo howlgallada ciidamada Kenya ay ka wadaan koofurta Soomaaliya.

Kenya ayaa horay odayaal dhaqameed ugu dirtay kooxda al-Shabaab si loo bilaabo wada hadal lagu sii deynayo labada dhakhtar.

12 abriil ee sanadkii tagay ayay ahayd markii rag hubaeysan ay magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ka soo afduubteen laba dhakhtar oo u dhalatay dalka Kuuba isla markaana ula soo tallaabeen xudduuda Soomaaliya ay la wadaagto Kenya.

Labada dhakhtar ayaa ka mid ah 100 dhakhatar oo u dhalatay dalka Kuuba oo shaqooyin caafimaad ka hayay Kenya tan iyo bartamihii 2018-kii.

Kooxda al-Shabaab ayaa weerarro, dilal iyo falal afduub ah ka waday Kenya tan iyo 2011-kii kolkaa oo ku beegnayd markii ciidamada Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya.

Magaalada Mandheera ee laga afduubtay labada dhaqtar ayay kooxdu marar badan ku qaadday weerarro noocyo kala duwan leh .

Al-Shabaab ayaa aalaaba beegsata dadka aan u dhalanin gobolka taas oo keentay in ismaamulka Mandheera ay ka cararaan macallimiinta, dhakhaatiirta iyo shaqaalaha ka shaqeeya dhismaha.

Kooxda ayaa weerarrada ay ku qaaddo Kenya ku macneysa kuwo ay cadaadis ku saareyso xukuumadda Kenya oo ciidamo fara badan soo galisay gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here