Muxuu Taliska Mareykanka ee Afrika Ka Yiri Socdaalkii taliyahooda ee Bariga Afrika?

0
121

aliska howl-galka Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa ka hadlay socdaal qaatay labo maalmood oo uu Taliyahooda ku yimi Bariga Afrika.

Gen. Stephen Townsend, taliyaha AFRICOM ayaa inta uu ku guda jiray socdaalkiisa waxa uu kulamo kula qaatay qaar kamid ah Saraakiisha hoggaamineysa howl-galkooda Afrika.
Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu warbixinno ka dhageystay saraakiisha uu la kulmay waxa uuna kala hadlay xoojinta how-galka.

Gen. Stephen Townsend, ayaa saraakiisha AFRICOM ee ku sugan Kenya gaar ahaan xerada ay dagganiyihiin Ciidamada AFRICOM iyo milatariga Kenya ee Manda Bay waxa uu ku amaanay naf-horimada ay sameyeen islamarkaana ay isaga difaaceen weerarkii dhowaan ay la-shabaab ku qaadeen Saldhiggaas.

AFRICOM iyo Dowladda Kenya ayuu Taliyuhu sheegay in uu ka dhaxeeyo xiriir wanagsan islamarkaana ay ka mideysanyihiin la dagaallanka argagixisada.

“Taliska Mareykanka ee Afrika waxa uu si dhaw ula shaqeeyaa Ciidamada Difaaca Kenya KDF, waxaana ka dhaxeeya Xiriir wanaagsan, iskaashiga dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab waa mid aan isku fahamsannahay, maadaama dhaqdhaqaaqa al-Shabaab yahay mid halis ah” ayuu yiri Taliye Townsend.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya iyo Taliyaha AFRCOM ayaa Arbacadii aan soo dhafnay gaaray magaalada Kismaayo iyadoo Taliye Townsend uu uga sii gudbay dhanka Butlaan halkaas oo uu kula kulmay Hoggaamiyaha maamulkaas ee Siciid Cabdullahi Deni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here