Midowga Yurub Oo Taageeraya Waxbarashada Soomaaliya.

0
154

Midowga Yurub ayaa daah-furay mashruuc lagu horumarinayo heerka waxbarashada dalka iyo tayadeeda.

Mashruucan oo socon doona muddo afar sano ah ayay ku bixi doontaa lacag dhan 5.17 milyan oo Yuuroo.

Barnaamijkan ayaa looga gol leeyahay xoojinta hannaanka hay’adaha waxbarashada ee dalka heer federal iyo heer maamul goboleed.

Sidoo kale mashruucan ayaa ka qeyb qaadanaya jaan-goynta siyaasadaha waxbarashada, hirgelinta manaahijta cusub ee dalka, hubanti gelinta tayada waxbarashada iyo mideynta imtixaannada dalka

“Kaalmadan waxa ay muujinaysaa sida Midowga Yurub ay Soomaaliya uga garabsiinayo dib u soo kabashada dalka waxaan tixgelin weyn siinaynaa hay’adaha ka shaqeeyaa howlaha waxbarashada” ayuu yiri danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa dhankiisa soo dhaweeyay mashruucan lagu kaalmeynayo waxbarashada Soomaaliya isaga oo ku tilmaamay mid wax weyn ka badalaya fursadaha waxbarasho ee dalka iyo mideynta qeybaha kala duwan ee ka shaqeeya waxbarashada si loo qaabeeyo mustaqbal waxbarasheed la isku hallayn karo oo ay Soomaaliya yeelato.

Waxbarashada ayaa muhim u ah Soomaaliya oo 50% dadkeeda ay da’doodu ka yartahay 15 sano kana mid ah dalalka ay dadyowgooda curdanka yihiin dhanka da’da.

Helidda hannaan maaliyadeed oo lagu caawinayo waaxaha waxbarashada ee dalka ayaa jiilalka soo socda ka caawinaya in ay helaan waxbarasho tayaysan oo iyaga iyo dalkaba u horseedda nolol iyo xasillooni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here