WHO oo magaca ka bedeshay Corona Feyras

0
280

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa Talaadadii waxa ay magaca ka bedeshay Feyruska Corona oo dhowaan ka dillaacay dalka Shiinaha iyadoo ku magacawday “COVID-19”.

WHO ayaa sheegatay in magaca rasmiga ah ee Feyruskaas uu noqon dono “COVID-19” iyadoo sidoo kale sheegtay in Feyruskani uu khatar weyn ku yahay dunida balse ay jiraan fursado lagu joojin karo.

Magac ka bedelista Feyruska ayaa ka dambeysay kaddib markii 400 oo seynisyahanno ah ay Geneva ku yeeesheen shir caalami ah oo socday muddo labo cisho ah oo ay dib u-eegis ugu sameynayeen Feyruska iyo tallaalada suurta galka ah ee looga hortagi karo.

Feruskan ayaa dilay in ka badan 1000 ruux waxa uuna asiibay dad gaaraya 42,000 oo qof oo ku nool 25 dal oo caalamka ah.

Feyruskan “COVID-19” oo horay loo oran jiray Corona ayaa markii ugu horreeysay ka dillaacay magaalo ku taalla Shiinaha oo layiraahdo Wuhan kaas oo u fidiyay si dhaqsa ah marba marka kadambeysa waxaana hakad ku yimid safarradii dhanka hawada ahaa ee Shiinaha iyo dalalka caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here