Mareykanka iyo Taalibaan oo qarka u saaran in ay heshiis wada gaaraan

0
134

Masuuliyiin Mareykan ah ayaa wargeyska New Yorka Times u sheegay in madaxweyne Donald Trump uu oggolaaday heshiiska Dooxa ee u dhexeeya Mareykanka iyo Talibaan.

Heshiiskan ayaa dhigaya in gabi ahaanba la soo gabagabeeyo joogitaanka ciidamada Mareykanka ee dalka Afgaanistaan.

Wargeyska oo soo xiganaya masuuliyiinta ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu si horudhac ah u oggolaaday in uu saxiixo heshiiska uu ciidamadiisa uu uga saarayo ciidda Afgaanistaan.

Labada dhinac ayaa u ballansan in Arbacada manta ah ay ku kulmaan Dooxa oo muddo sanad ka badan ay u fidsanayd gogol nabadeed oo ay ku heshiinayaan.

Diblomaasi ku sugan Washington ayaa sheegay in labada dhinac ay si horu dhac ah ay u gaareen is afgarad qarkana ay u saaranyihiin saxiixa heshiiska, waxa uuna intaa ku daray in todobaadyada soo aaddan ay daaha ka rogeyso heshiis kama dambays ah oo ay dhinacyadu qalinka ku wada duugaan.@Axmd Wali Hc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here