Farmaajo oo Qaramada Midoobay ugu baaqday in laga qaado cunqabataynta hubka Somalia.

0
132

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hay’adda Qaramada Midoobay ugu baaqay in ay Soomaaliya ka qaaddo cunaqabataynta dhanka hubka ee saaran.

Madaxweynaha ayaa baaqan diray xilli uu hadal ka jeedinayay shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka dhacay Addis Ababa todobaadkan.

“ Cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya waxay naga hor istaageysaa in aan helno hub nagu filan oo aan uga adkaanno argagixisada qaraxyada iyo falalka gurracan ka wadda dalkeenna” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo intaa ku daray in Soomaaliya ay dhabarka u ridanayso sugidda ammaanka dalka oo idil haddii ay hesho saanad ciidan oo ku filan.

Bishii Nofeembar ee sanadkii tagay ayay ahayd markii Qaramada Midoobay ay qalinka ku duugtay go’aan muddo sanad ah lagu kordhinayo cunaqabataynta Soomaaliya iyaga oo taasi ku sababeeyay in aanay kooxda al-Shabaab gacanta ku dhigin hub iyo maaddooyin kale oo ay ka samayn karaan walxo qarxa.

Guddi daba-gal oo ka socday Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigay qoraallo ay ku caddeynayaan in al-Shabaab ay haatan gudaha Soomaaliya ku farsamayso walxaha qarxa ee ay u adeegsato falalkeeda argagixiso.

Dowladda Soomaaliya ayaa mudda kordhinta cunaqabaynta Qaramada Midoobay ku tilmaantay mid seeto ku haysa awoodda ciidamadu kula dagaali lahaayeen kooxaha xagjirka ah.

1992-kii ayay ahayd markii ugu horreysay ee Qaramada Midoobay ay soo saartay qaraar ku lambareysnaa 733 kaas oo Soomaaliya u diidayay in ay iibsato amaba dhoofsato hubka iyo agabka ciidamada iyada oo marar kalena go’aankaas dib loo cusboonaysiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here