Al shabaab Oo Weerar Ka Geysatey Gudaha Dalka Kenya.

0
142

Rag hubeysan oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay gudaha dalka Kenya ka geystay weerar loo adeegsaday qaraxyo laguna gubay laba Gaari.

Weerar ayaa waxaa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Milihoy ee ku yaallam inta u dhexeeysa  Garsen iyo Gobalka Laamu ee dalka Kenya, waxaana Al-shabaab halkaas ay ku gubeen laba Gaari oo kala ahaa Baldoosarka iyo Gaari kale nooca xamuulka qaado ah oo siday waday Shixnad Shamiinto ah.

Taliska Booliska deegaanka Milihoy Irungu Macharia oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in ragii weerarka soo qaaday iyo Ciidanka Booliska uu dagaal xoogan  ku dhexmaray halkaas, welina lama oga khasaaraha ka dhashay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in labadii Darawal ee waday gaadiidka la gubay ay ku baxsadeen dhul howd ah oo ka Agdhawaa deegaanka uu weerarka ka dhacay.

Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa waxaa la tilmaamay inay lahayd Gaadiidkaasi la gubay, waxaana la xusay inay Qandaraas ku qaateen dhismaha Waddo dhererkeedu yahay 135 KM oo isku xiri doonta Degmooyinka Garsen iyo Gobolka Lamu ee dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here