Shirka golaha Wasiiradda Dowlad Goboleedka KGOo looga hadley dib udhiska iyo la dagaalanka A-lshabaab.

0
185

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa waxaa uu manta shir gudoomiyay shirkii galaha wasiirada Kg kaasi oo qaar kamid wasiirada looga dhageystay waxbixinada howla shaqeedka.

Wasiirada warbixinada soo gudbiyay ayaa waxaa ka mid ah.

Wasaarada Amniga Gudaha KG, wasaarada kaluumeysiga iyo qeyraadka badda, wasaarada howlaha guud iyo dib udhiska KG iyo wasaarada gar gaarka mareynta iyo masiibooyinka KG.

Wasiirka wasaarada amniga gudaha koonfur galbeed Mudane Isaaq Cali Subag ayaa waxaa uu soo gudbiyay warbixin guud oo ku saabsan amniga gobolada KG, waxaana uu sheegay in ciidamada hormaro balaaran ay ka sameyeen amniga KG.

Sidoo kale wasiirka ayaa waxaa uu timaamay in ciidamada xooga dalka soomaaliyeed kuwooda kusugan gobolka bakool howlgalo ay sameyeen in ay kusoo qabteen dhalinyaro tiradooda ay gareyso 20 qof oo in mudo ah ay afduub ahaan ay u heysteen kooxda al shabaab iyadoo weli tababaro ay ku sinayeen degaano katirsan gobolka bakool.

Dhalinyaradaasi laga soo furtay kooxda al shabaab ayaa waxaa lagu soo wareejiyay ciidamada iyo maamulka degmada xudur, waxaana loo soo wareejin donaa xarunta dhaqan celinta ee magaalada baydhabo.

Warbixinta uu soo gudbiyay wasiirka amniga ayaa waxaa ku jirta in dhalinyaradaan laga soo furtay kooxda al shabaab in ay ku jireen dhalinyaro aan qaangaarin dadooda ay ka yartahay 15 sano iyadoo sharciga caalamiga ah iyo mida dowlada faderaalka soomaaliya ay mabnuuc tahay in lagu xadgudobo xaquuqdooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here