Wasiirka Amniga Jubbaland Oo Goordhow Gaaray Gobolka Gedo.

0
130

Wararka aan ka heleyno Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo  ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow halkaas uu gaaray Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo saddexdi maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Nairobi.

Wasiir Janan ayaa waxaa Degmada Balad-xaawo siweyn ugu soo dhaweeyay maamulka Degmada, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Maamulka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada halkaas ku dhaqan.

Wasiirka amniga Jubbaland ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya oo uu gaaray Jicmihii lasoo dhaafay, waxaana intii uu ku sugnaa Kenya la sheegay inuu la kulmay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Taliska Ciidanka Booliska dowladda ayaa shaaciyay in 28-ka Bishii Janaayo ee 2020 uu xabsiga ka baxsaday Wasiir Cabdirashiid Janan, isagoona maalmo kadib Doon ku gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ugana sii gudbay Kenya.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa la sheegay in Goordhow Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo uu kula hadli doono warbaahinta, isagoona faah faahin ka bixin doona Xarigii dowladda Federaalka ugu geystay Magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 31 bishii Agoosto ee sanadkii tegay 2019 Wasiir Cabdirashiid Janan ka qabatay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde xili uu kusii jeeday Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, wuxuuna Muqdisho ku xirnaa muddo ku dhow shab Bilood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here