Wasaarada Haweenka KG iyo Saraakiisha Ciidamada oo Baydhabo ku qabtey Kulan looga hadlaayay Tacdiyada iyo Xaquuqda ka dhanka ah Caruurta .

0
88

Wasaarada haweenka iyo xaquuqal insaanka dowlad goboleedka koonfur galbeed ayaa waxaa manta magaalada baydhabo ku qabatay kulan looga hadlaayay askarayta caruurta iyo in loo adeegsado shaqooyinka culus.

Kulankaan ayaa waxaa laga soo qeyb galiyay sarakiisha ciidamada booliska militeriga nabad sugida masuulin kasocdeen wasaarada haweenka iyo hay`adaha kale ee arimahaasi kala shaqeyaa waxaana ay isku raceen joojinta askareynta caruurta iyo in la ilaaliyo xaquuqda caruurta dadooda ay ka yar tahay 18 sano.

Taliyaha qeybta 6` aad ee ciidamada xooga dalka soomaaliyeed general Maxamed Sheekh Cabdulaahi iyo taliyaha qeybta gobolka bay g, dhaxe Amiin Maxamed Daruur ayaa waxaa wasaarada haweenka koonfur galbeed ay ka balan qadeen in ay kala sjaqey donaan joojinta askareynta caruurta.

Taliyaha qeybta gobolka bay g, dhaxe Amiin Maxamed Daruur ayaa sheegay in caruurta aan qaangaarin ay ka saari donaan ciidankasta ay ku dhax jiraan si loo geeyo goobo lagu xanaaneyo ama lagu dhaqan celiyo waxbarashona loo sameeyo si beri ay u noqdaan kuwo dalka iyo dadkuba wax ay u taraan.

Wasiirka wasaarada haweenka iyo xaquuqal insaanka koonfur galbeed Marwo faizo shariif ayaa waxaa ay u mahadcelisay dhamaan hay`adihii kazoo qeyb galay kulankaan looga hadlaayay xaquuqda caruurta ay leeyihiin, waxaana ay sheegtay in kulankaani uu yahay mid muhiim ah oo loo baahan yahay in bilkasta laqabto si looga hadlo xadgudubka caruurta iyo sidii looga hortagi lahaa askareynta,

Wasiirada ayaa waxaa ay sheegtay in booliska nabad sugida militeriga iyo wasaarada haweenka KG ay ka wada dhaxeyso wada shaqeyn aad u fiican taasina ay ka dhalan karto joojinta arimahaani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here