Qoor-Qoor Oo Ku Guuleystey Doorashadii Galmudug.

0
160

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Galmudug ayaa Goordhow Magaalada Dhuusamareeb ku doortay Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Galmudug garabka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ku tartamay ilaa iyo Afar musharax, waxaana ku jiray Musharax tan iyo markii ay bilaabatay Doorashada Galmudug loo saadaalinayay inuu ku guuleysan doono xilka Galmudug.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa ayaa shaaciyay in xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka loo doortay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), kaasi oo helay 66 Cod.

Sidoo kale waxaa Goordhow la guda geli doonaa Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka  Galmudug, waxaana xilkaas ku tartamaya ilaa iyo 5 Musharax oo uu ku jiray Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here