Wasaarada Boostada Iyo Isgaarsiinta KG Oo Kulan Muhiim Ah Baydhabo Ka Daah Furtey.

0
209

Wasaaradda Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa Maanta Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya uqabatey Kulan looga hadlaayey Isticmaalka Astaanta Heerka 2aad ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka soo Qeyb galey Wasiirka wasaarada Warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, wasiirka bostada iyo isgaarsinta iyo Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha KG Soomaaliya Iyo Shaqaalaha Wasaarada Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka intii uu Socdey ayaa waxaa shir gudoominaayey Wasiirka wasaarada Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Maxamed Nuur Sheikh Cade

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Ore Osman Maxamed ayaa uga horeyntii Faafaahin ka bixiyey Kulanka Isticmaalka astaanta Heerka Labaad ee Dowlad goboleedka Soomaaliya

Shirka Oo Mudo Socdey ayaa waxaa uu intii uu socdey wasaarada Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Halkaas ka soo badhigeen Qaabka loo isticmaalo Dominka iyo adeega Astaanta heerka labaad.

Qaar kamid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Su’aalo Ka weydiiyey Masuulinta Wasaarada Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Koonfur Galbeed Soomaaliya Qaabka Loo isticmaalo Dominka.

Wasiirka Wasaarada warfaafinta iyo Wacigelinta Bulshada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Ugaas Xasan Cabdi maxamed ayaa Dhankiisa sheegey in uu ku Farxsan yahay In agaasimaasha Wasaaradaha Loo qabto kulanka oo lagu baranaayo Isticmaalka Astaanta Heerka 2aad ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana sidoo kale Amaan iyo Boqaadin Usoo jeediyey Madaxda Wasaaradda Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Kgs oo uga horeeyo Wasiir Maxamed Nuur Sheikh Cade.

Wasiirka wasarada boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Maxamed Nuur Sheikh Cade Oo Kulanka Soo xirey ayaa dhankiisa ku dheeraadey Muhiimada ay leedahay In la is fahmsiiyo Isticmaalka Astaanta Heerka 2aad ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here