Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Oo Kormeerey Xaruunta ADC Ee Magaalada Baydhabo.

0
162

Wasiirka wasaarda amniga gudaha ee maamulka konfur galbeed Somalia oo ay weheliyaan taliyaha ciidanka qeybta lixdanaad taliyaha Amisom boolis iyo injineero ajaaniib ah ayaa waxaa ay kormeer ku tageen xaruuntii baarlamaankii dowladii kumeel gaarka ahayd ee C/laahi Yuusuf Axmed ee ADC halkaasoo lasheegey iney wasaaradu dib udayactir ku samanayso.

Xaruuntan ayaa waxaa lagu wadaa iney dhawaan ka bilaabato dib udayactir islamarkaana laga dhigo dugsiga tawabarka ciidanka booliska konfur galbeed Somalia islamarkaana ay wasaaradu dardar geliso dib u dayactirka xaruunatan.

Wasiirka wasaarada amniga gudaha ee maamulka konfur galbeed Somalia isxaaq Cali Subag oo warbaahinta lahadley ayaa waxaa uu sheegey iney noqoneyso xaruunta tawabarka booliska KG ugu weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here