RW Kheyre Oo Joojiyay Heshiiskii Maanta Ay Saxiixeen Wasiir Beyle Iyo Cumar Finish

0
159

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hakiyay heshiis ku kacaayo 112 Milyan oo lagu dhisidoono Magaalooyinka dalka, kaasi oo Maanta ay si wadajir ah u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda iyo Duqa Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa lagu shaaciyay in amarka Ra’iisul Wasaaraha lagu hekiyay Mashruuca lagu dhisi lahaa Magaalooyinka dalka, waxaana Maanta si wadajir ah saxiixay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka howlaha guud Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Xasan Cali Kheye ayaa waxaa lagu sheegay in Mashruuca Horumarinta Magaalooyinka dalka Dib u eegis ayaa lagu sameyn doono, isla markaana ay ka qeyb geli doonaan dhammaan dowlad Goboleedyada.

“Iyada oo la tixraacayo amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaa la hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada Dowlad Goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo qaar kamid ah wasiirrada maaliyadda Dowlad Goboleedyada. Dib u eegis ayaa lagu sameyn doonaa mashruuca, waxaana laga qeyb geli doonaa dhammaan dowlad goboleedyada” Qoraalka kasoo baxay Xafiiska RW Kheye.

Si kastaba Mashruucaan ayaa waxaa lagu dhisi lahaa Magaalooyinka dalka sida Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe, waxaana Mashuuraan uu ku kacayaa 112 Milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here