Injeneero Turki Ah Oo Weerar Qarax Lagula Eegtey Degmada Afgooye.

0
207

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax loo adeegsaday gaari laga buuxiyay waxyaabaha Qaraxa oo Maanta ka dhacay Bar Koontarool oo ku taalla Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha.

Qaraxaas oo jugtiisa laga maqlay inta badan Xaafadaha Degmada Afgooye ayaa sigaar uu uga dhacay Barta-Koontarool ee Boodboodka Afgooye, waxaana lala eegtay Injineero Turki oo waday dhisamaha wadada isku xirta  Afgooye iyo Muqdisho iyo Ciidamo ka tirsan Booliska oo ilaali u ahaa Turkiga.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Askarta Tukiga ahaa iyo kuwa Booliska Soomaaliya oo ilaalo ka haayay, waxaana qaraxu qabsaday xili ay ku sugnayeen Barta-Koontarool ee Boodboodka Afgooye.

Ugu yaraan Saddex ruux oo turkiga ayaa ku dhaawacmay qaraxa, halka ay waxyeelo soo gaartay Ciidanka Booliska dowladda iyo dad shacab ah oo xiligaas goobta ka Agdhawaa.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa xaqiijiyay in saddex qof oo Turki ah ay dhaawacmeen, kuwaasi oo ku howlanaa dhismaha wadada isku xirta  Afgooye iyo Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxaas uu ku dhaawacmay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska, In kastoo weli Warkaas aysan ka hadlin Taliska Booliska Soomaaliya.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacayay ayaa muujinayay saameynta uu ahaa qaraxa, waxaana halkaas ku burburay gaadiid kala duwan oo ay lahaayeen Turkiga iyo Ciidanka Booliska Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here