Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Lagu Kala Dilay Koonfur Africa Iyo Gariigga

0
173

Koox ku hubayneed Tooreey ayaa lagu soo waramayaa in magaalada lesvos ee dalka Giriiga ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyee oo lagu magacaabi jiray Axmed kaass oo dhawaan halkaas qaab tahriib ahaan ah ku galay.

Dilka wiilkaan yar ayaa la sheegay in ay geysteen dhalinyaro kale o Soomaali ah isla markaana ay haatan baadi goobayaan Booliisku si cadaaladda loo horkeeno,iyada oo dhowr Tooreey ah lala dhacay wiilka la dilay.

Soomaalida ku nool Gariigga ayaa shegay in ay dareemeen cabsi badan kadib markii ay maqleen dhacdadaay,inkasta oo aysan aheyn markii ugu horeysay ee muwaadiniin Soomaaliyeed lagu dhibaateeyo dalkaas.

Dhinaca kalana warar kale oo laga helayo dalka Koonfur Africa ayaa iyana waxa ay sheegayaan in Burcad Koonfur Africaan ah ay dileeen muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadka ganacsiga ku leh dalkaas.

Allaha u naxariistee Muwaadinka Soomaaliyeed ee lagu dilay dalka Koonfur Africa ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi fitaax Aweys Axmed iyada oo kooxihii dilkaas gaystayna ay goobta iskaga baxsadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here