Sawiro: Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaraha Soomaaliya Mudane Cabdullahi Xaamud Oo kormeer ku tagey Isbitaalka weyn ee Gobolka Baay.

0
89

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaraha Soomaaliya Mudane Cabdullahi Xaamud ayaa Maanta kormeer ku tagey Isbitaalka weyn ee Gobolka Baay , waxana Kormeerka Ku wehlinaayay Wasiir kuxigeenka wasarada Caafimaadka KGS iyo Mas’ulyiin kale.

Wuxuna indha indheen kusameyay Qolalka Isbitaalka isagoona warbixin ka dhageystey Maamulka Isbitaalka Iyo wasaaradda Caafimaadka KGS.

Kormeerka ka dib waxaa ay si wada jir ah ula hadleen warbaahinta KG ugu horeen wasiir kuxigeenka wasaaradda Caafimaadka KG ayaa Wasiiru dowlaha ku soo dhaweyay Isbitaalka Gobolka Baay .

Dhanka kale wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha soomaaliya ayaa kormeer ku tagey Qaar ka Mid Wasaaradaha Dowlad Goboleedka KG isagoona Mid Mid u booqdey Xafiisada Wasaaradaha KG.

Mohamed Abuukar Wasiir Wasaaradaha Arimaha Gudaha Dowlad Goboleedka KG ayaa wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ugu Mahadceliyay Booqashadan Maanta ku yimid Wasaaradaha KG.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Abdullahi Xaamud ayaa Boogadiyay Shaqada wanaagsan ee ka socoto Wasaaradaha KG isgoona sheegey in Dowlad Goboleedka KG ay hiigsaneyso Horumar Dowladnimo.

Dhanka kale Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha soomaaliya Ayaa Booqasho ku tagey Taliska qeybta 6aad Waxana halkaasi kusoo dhaweyay Taliyaha qeybta Jenaraal Mohamed sheekh Abdullahi is xoq wareysi ka dib waxaa ay si wada jir ah ula hadleen Warbaahinta Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here