Waa Sidee Xaalda Degmada Toora Toorow Ee Gobolka Shabeelada Hoose.

0
119

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay saaka kooxda al-shabaab kala wareegeen gacan ku heynta deegaanka Tooratoorow oo ah gabbaadka ugu weyn ee kooxda al-Shabaab ay ku lahayd gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamadan degaanka qabsaday ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin guutada Danab oo ay tababareen ciidamada Maraykanka.

Kadib lawareegitaan waxaa jirey howlgalo ay ciidanku kasameeyeen deegaanka howlgaladaas oo lagu soo qabqabtey dad aad ubadan oo rag u badan kuwaasoo ay ciidanku baaritaano kuwadaan.

Xaalada Guud ee deegaanka ayaa degan haatan sida ay sheegayaan wararka aan gobolka shabeelada hoose aanu ka heleyno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here