Siyaasiyiin Kusii Qulqulaya Gaalkacyo

0
102

Madaxweynaha uu waqtigiisa dhamaaday ee maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa qaabilay qaar kamida ugaasyada beelaha dega kuwaas oo shalay galinkii dambe gaaray magaalada Gaalkacyo, halkaas oo uu Xaaf ka wado olole looga soo horjeedo hawsha Dhusamareb ka socota.

Siyaasiyiin dhawr ayaa kusii qulqulaya magaalda Gaalkacyo oo uu ka socdo kacdoonka uu madaxweyne Xaaf hoggaminayo, xili ay magalaada Dhusamareb ka billaabatay hawsha baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Xaaf ayaa kala hadlay odayaasha xaalka maamul u dhisida Galmudug iyo sidii Gaalkacyo loogu qaban lahaa 15-ka bishaan Shirweyne looga arinsanayo xaalada Galmudug, sida uu horey u iclaamiyey Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here