Madaxwene Waare Oo Maantey Gelinkii Danbe Soo Gaarey Magaalda Baydhabo.

0
178

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mdaxweyne Waare iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Baydhabo ee Shaati Gaduud Airpor kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeedka Safarka Madaxweynaha Hirshabeelle ee Baydhabo waxaa ay tahay ka qeyb galka  shir weyn beri ka furmaya Magaalada Beydhabo.

Shirka ka furmaya Baydhabo ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin fatahaadaha Wabiga Shabelle iyo horumarinta Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here