Dhageyso: Wasaarada Beeraha KG Oo Sheegtay In Xal waara Laga Gaari Doono ayaxa Dhibaatada Ku Haaya Beeraha KG.

0
85

Dadka beeralayda ah ee kusugan degaanada koonfur galbeed gaar ahaneyd gobolada baay iyo bakool ayaa waxay quursi ay ka taagan yihiin dalagyadii ay abuurteen sanadkaani in uu qaarkood ay kusoo dageen ama ay ku habsadeen Ayax kaasi oo ladegay dalagyadii kala duwanaa.

Dadka ayaa sidii ay uga erinlahayeen beeraha ayaxa ayaa waxay isticmalayaan wax yaabo kala duwan sida gadiidka’ xabada iyo dhawaaqa gasaco lisku xiray.

Wasiirka beeraha iyo waraabka Kg Mustaf Ahmed Iidow ayaa waxaa uu sheegay in ay wadaan dadaalo ku aadan sidii looga hortagi lahaa ayaxaasi oo dhibaato ku haayo beeraha iyo dhuul daaqsanka, wuxuuna tilmaamay in maalmaha soo socdaan xal waara laga gaari doono.

Warbixin ay soo gudbisay wasaarada beeraha iyo waraabka ayaa waxaa lagu sheegay in wasaarada ay diyaarisay doowo looga hortagaayo ayaxa oo aan dhibaato ugeysan doonin dadka iyo dalaga.

Sidoo kale wasiirka beeraha iyo waraabka Mustaf Ahmed Iidow ayaa waxaa uu booqan donaa gobolada uu gaaray ayaxaasi sida laga soo xiganaayo wasiirka warfaafinta iyo wacyi galinta bulshada koonfur galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.

Halka Hoose Kadhageyso Codka, W/Q/ Siid Cali Muuse (Ateera)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here