Xiliga Laqabanaayo Doorashada Kuraas Ka Banaan Baarlamanka Somalia Oo Lashaaciyey.

0
142

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa iclaamiyay in la qabanayo doorashada kursi kabanaan golaha shacabka ee Soomaaliya kaas o uu ka geeriyooday mudane ka irsanaa golaha aqalka hoose.

Kursiga doorashadiisa la qabanayo ayaa waxaa ka geeriyooday allaha u naxariistee Ex-Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ku geeriyoodey weerarAlshabaab ay ku qaadeen Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada 23-kii Bishii Maarso ee sanadkii hore ee 2019,xiligaas oo uu ku sugnaa xafiiskiisa wasaaradda isaga oo sidoo kalana ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyina qaranka ayaa sheegay in doorashada kursigaan ay ka dhici doonto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Juubbada hoose oo deegaan doorashadiisu ay tahay 12-ka Bishaan,iayaa oo la faray oadayaasha in ay diyaariyaan Ergadii dooran laheyd kursigaas bannaan.

Halkaan Ka Akhriso Qoraalka Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here