Maamulka Gobolka Banaadir Oo Faah Faahiyey Khasaaraha Qarixii Maanta.

0
154

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay qaraxii saakay ka dhacay Isgooyska Sayidka ee magaalada Muqdisho iyaga oo faah faahiyay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan Saalax Dheere oo goobta qaraxa uu ka dhacay kula hadlayay warfidiyeenka ayaa sheegay in qaraxa ay ku geeriyoodeen 3-ruux 6 kalana ay ku dhaawacmeen.

Waxa uu sheegay gaariga qarxay in uusan aheyn gaari laga soo buuxiyay walaxaha qarxa balse uu yahay nooca gaadiidka lagu dhejiyo,taas oo uu sheegay in ay yareysay khasaaraha qaraxa.

Qaraxaan ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir waxaana sidoo kale dadka ku dhintay ku jira Agaasime waaxeed ka tirsanaa wasaaradda Haweenka ee xukuumadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here