Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adaha Kala ah IMF & Bangiga Aduunka ayaan Yeeshey Shirkii 2aad ee Deen Cafinta Somalia.

0
108

Wasiirka maaliyadda xukuumadda fedraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta magaalada Adis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya  waxa uga qeybgalay shirka dib u eegista 2-aad ee SMP4 oo ah hanaanka 4aad ee deyn cafinta Soomaaliya.

Inta uu socdo Shirkaan u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adaha kala ah IMF & Bangiga Aduunka ayaan ku eegi doonnaa Wixii innoo qabsoomay 2019-kii, wixii caqabado ah ee  lala kulmay  iyo hiigsiga sanadka 2020-ka.

Dhammaadka  shirka wasiirka maaliyadda xukuumadda fedraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu a qaatay hay’adaha Soomaaliya kala shaqaynayo arrimaha dayn cafinta ayaa la filayaa in laga soo saaro natiijo wax ku ool ah oo la xiriirta qorshaha kama dambaysta ah ee dayn cafinta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay sanadkaan in ay u raja weyntahay I laga cafiyo daymaha dowlaha caalamku ay ku leeyihiin Soomaaliya iyada uu hay’adaha maaliyadda caalamku ay ku ammaaneen dalka tallaabooyin uu u qaaday dhinaca hour marinta maaliyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here