Aqriso:Kulankii Isbuuclaha ahaa Ee Wasaarada Amniga KG Oo Looga Hadlay Amniga Guud Ee Degaanada KG.

0
84

Magaalada  Baydhabo ee xarunta gobalka baay lagu qabtey kulankii isbuuclaha ahaa ee  isugu imanayeen laamaha Amniga degaanada konfur galbeed, waxana shir gudoominaayey  wasiiraka wasaarada  Aminga  gudaaha dowlad goboleedka koonfur galbeed Mudane  Isaaq Ali (subag)

Waxaana  ka soo qeyb galey  taliyo ku xigeenka  ciidanka xooga dalka qeybta 60, Aad taliyaha ciidanka daraawiishta  koonfur galbeed iyo taliyaha booliska koonfur galbeed iyo saarakiil kale.

Shirkan inta uu socday waxaa loogu hadlay xoojinta amniga guud ee degaanada KG waxyaabaha laga soo saarey ayaa waxaa ka mid ahaa  Awaamiirta  ciidanka isticmaalo  daroogada iyo weliba kuwa ciyaara qamaarka.

Sidoo kale waxaa warbixino ku saabsan amniga guud ee degaanada Kg laga dhageystay saraakiisha, taliyaasha ciidamada iyo taliyaha NISA ee degmada baydhabo, waxayna shegeen in lisku haleyn karo aniga degaanada kg, waxaana isku xiran shacabka iyo ciidamada waxaan ka dhexeyaa xiriir aad u wanaagsan iyagoona mararka qaar ay soo gudbiyaan waxyaabaha la xiriira amniga iyo sidii looga hortagi lahaa kooxda al shabaab oo dhibaato weyn ku hayaan shacabka soomaaliyeed gaar ahaan shacabka degaanada KG.

Wasiirka  wasaarada Amniga koonfur galbeed Mudane Isaaq Ali (Subag)  ayaa kadib markii uu saraakiisha iyo taliyaasha uu ka dhageystay waxbixinada ku saabsanayeen amniga guud ee degaanada KG iyo guulihii laga gaaray isbuucaan kooxda al shabaab oo laga saaray degaano katirsan gobolka sh/ hoose ayaa waxaa uu u mahadceliyay dhamaan saraakiisha taliyaasha ciidamada kala duwan iyo shacabka Kg oo fahmeen waajibaadka kasaaran lashaqeynta ciidamada Iyo ladagaalanka Kooxda Al shabaab.

W/Q: Siid Cali Muuse (Ateera)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here