Aqriso: Wasaarada xoolaha Kg Oo Baydhabo Kuqabatay Kulan Lagu Wacyigalinaayo Xoola Dhaqatada Kusugan Degaanada Katirsan Baydhabo.

0
108

Wasaarada xanaanada xoolaha dowlad goboleedka koonfur galbeed ayaa waxaa maanta magalada baydhabo ka furtay kulan lagu wacyi galinaayo dadka xoola dhaqatada ah ee kusugan degaanada ay hoos tagaan magalada baydhabo.

Dadkaani ayaa waxaa labaraayay sidii ay ugu hortagi lahayeen cudrada dilaaga ah eek u dhaca xoolaha kala duwan.

Kulan ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaarada xanaanada xoolaha ee koonfur galbeed, waxaana ay kasoo qeyb galisay dhaqaatiir iyo aqoonyahno ku taqsuusay cudurada ku dhacaan xoolaha iyo qaar kamid ah dadka xoolaha dhacda  degaano dhowr ah oo katirsan magalada baydhabo.

Wasiir kuxigeenka wasaarada xanaanada xoolaha Mudane Yuusuf Aadan Guutaale ayaa furay kulankaan, wuxuuna ku tilaaman in uu yahay mid muhiim u ah dhamaan xoola dhaqatada gobolka baay gaar ahaan degmada baydhabo.

Pfo. Cabdiqaadir Nuur (Abuu) ayaa waxaa uu sharxaad kabixiyay waxyaabaha mar weliba looga baahan yahay dadka xoola dhaqatada ah, asigoo si aad ah ugu hadlay in dadka ku nool gobolada baay iyo bakool ay yihiin kuwo iskugu jiraan xoolo dhaqato iyo beeralay oo ay heestaan wax yaabo badan oo alle ugu deeqay oo kamid yihiin dhuul daaqsi oo ku noolaan karaan wax yaabihii lagu beero dadka iyo duunyada.

Dadka kulankaan kasoo qeyb galay ayaa waxaa uu kula taliyay in ay xoolaha sifiican ay ugu warqabaan markii ay geynayaan degaan kale hadii ay wax isbedel ahna ay ku arkaan in ay si toos ah ula soo xiriraan dhaqaatiirta xoolaha qaabilsan.

Agaasimaha guur ee wasaarada xanaanada xoolaha Kg Cumar Maxamed Cabdulaahi ayaa waxaa uu faafihin kabixiyay muhiimada uu leeyhay kulankaan lagu wacyi galinaayo xoolaleyda degaanada baydhabo katirsan laga keenay, wuxuuna sheegay in dhamaan degaanada gobolada koonfur galbeed lagaarsiin doono wacyi galintaan iyo sidii dadka loogu dhiira galin lahaa in ay ka warqabaan faydhoorka xoolaha iyo sidii loo heli lahaa dad u tababaran ilaalinta iyo sidii loo daweyn lahaa xoolaha.

“meel kasta oo ay ka jogaan degaanada Kg dadka xoola dhaqatada ah mageyn karno dhaqaatiir sidaasi darteen waxaan u baahan nahay inaan helno dadka dhaqta xoolaha in ay kasoo baxaan kuwo daareyn karaa xoolahooda” Ayuu yiri Agaasimaha guur ee wasaarada xanaanada xoolaha Kg Cumar Maxamed Cabdulaahi.

Wasaarada xanaanada xoolaha dowlad goboleedka koonfur galbeed ayaa mudooyinkaani waxay ay waday dadaalo ku aadan in ay noqdaan xoolaha kala duwan ee kusugan gobolada KG in ay noqdaan kuwa hela dawooyin looga hartago cudurada xiliyadaan soo wajahaan iyadoo hada gobolada qaar ee dalka ay ka jiraan cudurka ku dhaca sanbabada xoolaha kala duwan si looga hortago ayaa wasaarada xanaada xoolaha DFS waxay diyaarinaysaa daawooyin looga hortagaayo cudurkaasi.

W/Q: Siid Cali Muuse (Ateera)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here