Puntland oo Wafdi u direysa deegaano ka tirsan G/Sool

0
138

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhaban Cadd & wafdi uu hogagaminayo ayaa la filayaa in saacadaha soo socdda ay tagaan deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Wafdiga ayaa waxaa ay tagaan deegaanka Boocame ee Gobolka Sool,waxana u jeedka safarkooda lagu sheegay in golle deegaan laga dhisi doono deegaankaasi.

Deegaanka Boocame ee Gobolka Sool ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka socday qaban qaabada dhismaha golle deegaan oo ay wadeen qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaankaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhaban Cadd iyo Xubnaha la socda ayaa la filayaa in ay kulamo la qaataan Odayaasha & waxgaradka deegaanka,iyaga oo kala hadli doona sida ugu macquulsan ee loo sameyn lahaa Golle deegaan.

Maamulka gobolka Sool iyo wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa siwadajir ah uga wada shaqayn doona dhismaha golle deegaan,kuwaas oo laga soo kala xuli doono Beelaha kala duwan ee ku dhaqanka deegaankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here