Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Kulan La Qaatay Odayaasha Galmudug

0
203

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa kulan wadashi la qaatay qaar kamida Odayaasha dhaqan Galmudug ee sugan Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Odayaasha dhaqan ayaa ka arinsaday, dadajinta dhismaha maamulka Galmudug loo dhanyahay, waxaana kulanka ku wehlinaayay sidoo kale, Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Odayaasha iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa isku afgartay dhamaanba qodobadii ay isla soo qaadeen.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo kala duwan la qaatay Hoggaanka Sare ee Ahlusunna, iyagoona ka wada hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan dhismaha Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here