Howgalka Mareykanka ee Afrika oo loo soo gaabiyo AFRICOM, ayaa sheegay in maalintii shalay aheyd ay gobolka Shabeellaha hoose ka fuliyeen ilaa 3 weerar oo dhanka cirka ah oo ay la beegsadeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab.
Weeraradan ayaa ka dhacay deegaanada Kuunyo Barrowiyo Caliyow Barrow oo kawaada tirsan gobolka Shabeellaha hoose, taliska ayaa sheegay in duqeyntaas ay ku dileen ilaa 4 Sargaal oo ka tirsan al-Shabaab.
Deegaanka Kuunyo Barrow waxaa laga fuliyay labo weerar oo dhanka cirka ah, waxaana lagu dilay 2 kamid ah Saraakiisha al-Shabaab, iyadoo sidoo kale lagu gubay gaadiid ay wateen , sida uu sheegay Talisku.
Weerarka Saddexaad ayaa isna la sheegay inuu ka dhacay Caliyow Barrow gobolka Shabeelada hoose waxaana lagu dilay labo kale oo ka tirsan Al-shabaab.
Ugu dambeyn taliska ciidamada mareykanka ee AFRICOM, ayaa xusay in dhammaan saddexda weerar aysan ka dhalan wax khasaare ah oo soo garay dadka rayid ah.