Madaxweyne Farmaajo oo sagootiyay dhibanayaal dhaawacyo culus qaba oo loo qaaday Turkiga

0
80

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa garoonka diyaaradaha ee Adan cabdulle ku sagootiyay dhaawacyadii ugu cuslaa ee ku waxyeelloobay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.

Tirada dhaawaca ee uu madaxweynuhu sagootiyay ayaa aheyd 16 qof oo aahaa dad rayid ah oo shalay dhaawac uu ka soo gaaray qaraxa.

Madaxweynaha oo mid mid u dul istaagay dhaawacyada ayaa ehelladooda u sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xaaladdooda caafimaad baxnaanin doonto ilaa ay ka helaan caafimaad buuxa.

Wuxuu sidoo kale u tacsiyeeyay dowladda Turkiga oo labo Injineer ay uga geeriyootay qaraxii shalay ka dhacay Ex-koontarool Afgooye iyaga oo garab siinaya shacabka Soomaaliyeed.

Diyaaradda qaaday dhaawaca ayaa saaka keentay gurmad dawo iyo dhaqaatiir isugu jira oo ay soo dirtay dowladda Turkiga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here