Sawiro: Ayax Saaka Ku Dagay Duleedka Tiyeeglow Iyo Bulshada Oo La Dagaalaysa.

0
362

Bulshada ku nool qaybo ka mid ah gobolka Bakool ayaa saaka dagaal culus la galay Ayax tirada ka batay oo ku habsaday beeraha iyo dhul daaqsimeedkii xoolaha, ayaxan oo u socda raacyo is daba joog ah oo ay adagtahay in lala dagaallo ayaa waxaa uu ku faafay degaano badan.

Dadka deegaanka ayaa adeegsanayay wax kasta oo lagu cabsiin karo ayaxa oo ay ka mid ahayd in rasaas lagu rido, hase yeeshee waxa adkaatay in la is hor taago, sababtoo ah wuxuu ku socdaa tiro xad dhaaf ah.

Sawiradan hoos aad ku aragtaan waa qayb ka mid ah bulshada degen deegaanada hoos taga Tiyeeglow oo dagaal kula jira ayaxa oo cunaya beerahooda.

Halka Hoose Ka Daawo Sawirada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here